200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Soomaalidu miyey weli qiil u raadinayaan Al-Shabaab 11 sano kadib? | Shabakada Warbaahinta Times

Soomaalidu miyey weli qiil u raadinayaan Al-Shabaab 11 sano kadib?

Waxaa hada laga joogaa muddo 11 sano ah markii uu dalka Soomaaliya ka dhacay weerarkii ugu horeeyey oo ismiidaamin ah oo ay geysato kooxda Al Shabaab iyo xagjiriinta Soomaaliya ka dagaalamaya, balse waxaa muuqata in Soomaali badan ay weli si dadban iyo si toos ah qiil ugu raadinayaan kooxdaasi halista ku ah shacabka iyo dalkaba.

18kii bishii September 2006 ayey ahayd markii weerarkii ugu horeeyey oo uu fuliyo qof naftiisa haligay la beegsaday Madaxweynihii dowladii Federaalka ee KMG Allaha u naxariistee Cabdullahi Yusuf Axmed xili uu kasoo baxayey xaruntii fadhiga u ahayd Baarlamaanka ee ku taalay magaalada Baydhabo. Weerarkaasi ayey ku dhinteen ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan illaalo badan oo la socotay Madaxweynaha iyo Madaxweynaha walaalkiis.

Keydka Sawirada: Ergaygii UNka ee Soomaaliya Francois Lonsény Fall iyo AUN Madaxweyne Cabdullahi Yusuf- Qabashadii Villa Somalia, Muqdisho

AUN. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa weerarkaasi ka badbaaday isla markaana dhaawac fudud oo gubniin ah kasoo gaaray qoorta ama madaxa, qaraxaasi oo gebi ahaan gubay gaarigii uu saarnaa isaga iyo ciidankiisii ayaa xiligaasi lug ku tagay gurigii uu ka degenaa magaalada Baydhabo.

Dad badan ayaa xiligaasi diiday inay aqbalaan in weerar ismiidaamin ah ka dhacay dalka Soomaaliya iyagoo doorbiday inay dhisaan sheekooyin kale ama weerarkaasi u saaraan dalal shisheeye ama sirdoon dal kale nooga soo duulay.

Al Shabaab oo xiligaasi ku dhex jirtay Maxaakiimtii Islaamiga ee qabsaday Muqdisho ayaa bilo kadib weerarkaasi sheegatay markii ay burbureen maxaakiimtii islaamiga, isla markaana Al Shabaab ay noqotay koox gaar u taagan.

Hadaba iyadoo hada la marayo 2017 oo ay soo dhaceen qaraxyo iyo weeraro kuwaasi lamid ah oo ay ku dhinteen dad aan tiro ahaan lasoo koobi karin iyo weerarkii ugu danbeeyey ee 14kii Oktoober, ayaa weli waxa muuqata in Soomaali badan ay weli si dadban u difaacayaan kooxdaasi Al Shabaab.

Kadib weerarkii lagu xasuuqay shacabka ee ka dhacay 14kii bishan Magaalada Muqdisho, waxaa baraha bulshada kusoo batay dad ka faaloonaya weerarkan oo in badan oo kamid ah shaki gelinaya in Al Shabaab weerarkaasi ka danbeysay, qaarkood waxay ku doodayaan in Al Shabaab aysan ahayn oo ay dowlado kale ka danbeeyeen, halka kuwo kale oo kasii xagjirsan ama caadifado kale heyso ayba dowlada lafteeda ku eedeeyeen.

Dadkan ayaa doorbidaya in eeda Al Shabaab meel kale u saaraan si ay xasuuqan uga dhigaan mid siyaasad ka danbeyso balse aysan ka danbeyn xagjirnimada dhiiga badan ku daadisay dalka Soomaaliya iyo caalamkaba, waana midaas tan sababeysa in Al Shabaab aan laga guuleysan muddo dheer maadaama Soomaalida in badan oo kamid ah aysan dhab ka ahayn la dagaalanka kooxdaasi ama aysan u arag xiligan Al Shabaab cadowgooda kowaad.

Kuwa baraha bulshada iyo telefishinada la fadhiya inay shaki geliyaan in weerakrii maatada lagu xasuuqay ay Al Shabaab ka danbeyso ayaa la oron karaa waxay noqdeen afhayeenada ugu weyn ee xiligan Al Shabaab heysato kadib marki ay qabteen olole dacaayad oo ka xun kuwii ay baahin jirtay warbaahita al shabaab afkeeda ku hadasha.

Eeda dowladda

Dowlada iyadu inkastoo ay sheegtay inay Al Shabaab tahay cida ka danbeysa weerarkan, hadana si weyn ayey uga gaabisay shaacinta baaritaanka socda taasi oo qeyb ka ah mala’awaalka ay sameenayaan dad badan.

Illaa iyo hada dowladu nooma sheegin qaabkii iyo cidii fududeysay weerarkaasi, xataa hadii loo turayo baaritaanka socda waxaa lama huraan ah inay dowladu shacabkeeda u sheegto inta eedaysane oo ay gacanta ku heyso sawiradooda iyo eedeynta ama tuhunka loo heysto iyadoo aan faah faahin laga bixin baaritaanka intiisa kale.

Soomaaliya maanta fursad kale uma heysato inay taagnaato meeshii ay taagneyd 2006, waxay u baahan tahay inay meel uga soo wada jeestaan kooxda baneysatay dhiigood ee siyaasadoodu tahay dil iyo duduminta Qaranka Soomaaliya.

W/Q: Maxamed Jeenyo

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Fikradaha Akhristayaasha (0)