200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Daawo: Sida loo qoro kitaabka qur’aanka iyo wareysiga ninka gacantisa ku qoray | Shabakada Warbaahinta Times

Daawo: Sida loo qoro kitaabka qur’aanka iyo wareysiga ninka gacantisa ku qoray

Doha (Caasimada Online) – Rasuulka SCW ayaa  sheegay inuu dadka ugu khayr badan yahay Qofka Barta Qur’aanka ee Hadana dadka Barra, Hadaba Bal Qiysaas Qiimaha iyo Darajada uu Alle agtiisa ku yeelan doono Qofka bartay Qur’aanka ee hadana Gacantiisa ku Qoray, iyadoo Malaayiin qof ay kasii Faa’iidaysan doonaan.

Cubeyda Maxamed Saalax oo u dhashay dalka Suuriya,  wuxuu ku beermay Jacaylka Qoritaanku Yaraantiisii,  iyadoo  waalidku ay ku igu dhiiri geliyeen, Wuxuuna sheegay inay  Qoraanimadu ay Rabo  in la geliyo Dedaal badan, Wuxuuna ku guulaystay inuu Qoro Kitaabka Qura’aanka Kariimka ah.

Wuxuu ka qayb galay Tartamo waa wayn oo lagu Qabtay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Kuwaasi oo  Guulo uu ka gaadhay.

“Qoritaanka Kitaabka Quraanka ee dalka Qadar wuxuu ahaa Tartan ay Qababtay  Wasaarada Awqaafta iyo Diinta ee Qadar,     waxaana ka qayb galayey 120 Qoraa  oo kala yimid Daafaha Dunida,   Waxayna ahayd dhowr wareeg,    Wareega Koobaad  Qoraa kasta waxaa laga dalbaday inuu Qoro Laba Bog,    Waxaana soo baxay 7 Qoraa,   Iyadoo markaasi laga dalbaday inuu midkasta Qoro laba Juz,  Kadibna Waxaa kasoo baxay Laba Qoraa,  waxaana laga dalbaday inay Qoraan Kitaabka Qur’aanka oo dhamaystiran,    Wuxuu alle Qadaray inay aniga Guushu i raacdo.

Waxay ii ahayd RIYO aan alle ka Baryi Jiray Inaan Qoro Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah,  Alle mahadii  way ii Rumowday oo Ducadii Alle waa ii Ajiibay.

Waa dareen aan Lasoo Koobi karin, Kitaabkii aad Gacantaada ku Qortay oo ay dadku Akhrinayaan, Weliba marka Lagu jiro  Bisha Barakaysan  ee Ramadaan” Ayuu yidhi. 

Fikradaha Akhristayaasha (0)