200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Muxuu waqti dheer u qaatay shirka madaxda ee Muqdisho? | Shabakada Warbaahinta Times

Muxuu waqti dheer u qaatay shirka madaxda ee Muqdisho?

Madaxda maaamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayuu isbuuc ku dhowaad shir uga socdaa Muqdisho.

Kullanka waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo dhowr ah, mana jiro go’aan ka soo baxay ama wax lagu heshiiyay illaa iyo hadda.

Qodobada laga wada hadlayo waaa kuwo aad u culus oo u baahnaa in horey loo sii diyaariyo, sida uu sheegay Guleed Salax oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Haddaba maxay tahay caqabadaha hor taagan in shirka uu dhammaado?

Amniga iyo ciidamada

Soomaaliya waxaa ka jiro caqabado dhanka amniga ah. Labadii isbuuc ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo waawayn.

Qarixii Soobe ee 14-kii bishii Oktobar waxaa ku dhintay in ka badan 350 qof. Madaxweyne Farmaajo ayaa weerarkaas ku eedeeyay ururka Al-Shabaab.

Guleed Salax oo ka tirsan machadka cilmi baarista ee SIDRA oo fadhigiisu yahay Garowe ayaa sheegay in arrinta amniga iyo qaab dhismeedka ciidamada ay yihiin waxyaabaha ugu waawayn ee laga doodayo.

“Waxay u baahnayd in hurmar laga sameeyo arrinta amniga. Markii wax lagu heshiiyo waaa in la qaado tallaabooyiin muuqda,” ayuu yiri Guleed oo la hadlay BBC-da.

“Amniga waxaa hortaagan oo dib u dhac ku keenaya jawiga guud ee siyaasadeed ee cakiran oo saameyn ku leh horumaradii la sameyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Guleed Salax.

Dowladda ayaa bishii May, London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo ciidamo gaaraya 18,000, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeni doono dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada.

Ciidamdaas waxaa laga kala keeni doonaa gobollada dalka, waxayna ka wada qeybgali doonaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay amniga gacanta ku qabtaan.

Kala shakiga iyo wada shaqeynta

Tan iyo markii uu bilowday khilaafka ka dhashay arrinta dalalka Khaliijka, waxaa sii kordhayay kala shakiga soo kala dhexgalay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan dhexdhexaad ah oo ku aadan khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka. Wadammo uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa go’doomiyay dalka Qadar.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay taageerto go’aanka Sacuudiga iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayna xayiraad saarto Qadar.

Guleed Salax ayaa sheegay in “jawigaas oo ka horeeyay shirka uu yahay mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro.”

Markii hore waxay ku billaabatay kala aragti duwanaan, balse waxay u gudubtay khilaaf rasmi ah oo sababay in maamul goboleedyada qaar ay gilgishaan.

Machadka SIDRA, warbixin soo saaray ayuu ku sheegay in boqolkiiba 61 shacabka Soomaaliya ay taageersan yihiin go’aanka dhexdhexaadka ah ee dowladda dhexe qaadatay.

Markii Madaxweynihii hore ee Hirshabelle xilka laga qaaday iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Galmudug, madxada maamullada waxay isugu tageen Kismayo waxayna cambaareeyeen dowladda Soomaaliya iyo “faragelinta ay ku hayso maamullada”.

Shirka Muqdishu wuxuu dhacayaa ayadoo weli uu taagan yahay kala shakigaas soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamullada, sida uu sheegay Guleed Salax, madaxa machadka cilmi baarista ee SIDRA.

“Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in is afgarad degdeg ah la gaari waayo,” ayuu yiri Guleed.

“Waxay ila tahay in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada la yimaadaan hannaan wada shaqeyn oo yarayn kara khilaafka markasta soo kala dhexgala labada dhinac,” ayuu ku taliyay madaxa SIDRA.

Dastuurka

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay diideen shir ku saabsan arrimaha dastuurka oo bishii la soo dhaafay ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay dhameystirto dastuurka oo qabyo qoraal ah. Balse haddii aysan taageero ka helin maamullada goboleedyada way ku adkaaneysaa in la dhameystiro.

Waxaa dastuurka ka mid ah qodobo dhowr ah oo la isku hayo sidii wax looga bedeli lahaa, waana arrimo horey looga wadahadalay.

“Maamul goboleedyada waxay ka cabanayaan in wadatashiyo aan lagala yeelan isbedello lagu sameeyay dastuurka,” ayuu yiri Guleed Salax oo siyaasadda Soomaaliya ka faallooda.

Qodobada 53-aad iyo 54-aad ayaa horey u sababay khilaaf, waxaana soo kala xigtay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, kaas oo qeyb ka ahaa arrinta cirka ku shareertay khilaafka Khaliijka ee gilgilay Soomaaliya.

Bishii June maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale kasoo horjeedstay xeerka isgaarsiinta qaranka oo golaha wasiirada meelmariyeen, waxayna maamulada sheegeen in dowladda federaalka ay hareermartay waxyaabihii horey looga heshiiyay ee xeerkan ku saabsanaa oo dhan.

Sida muuqata, maamul goboleedyadana ku doodayaan, isfaham darrada ugu badan waxa ay salka ku haysaa dastuurka oo ay sheegayaan in uusan kala qeexeyn awoodaha.

Guleed Saalax ayaa ku taliyay in la kala cadeeyo qodobada dastuurka ku qoran ee khilaafka sababa, si Soomaaliya ay horey ugu socoto.

Federaalka

Dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxay kala kulantay caqabado badan, dhismaha maamul goboleedyada.

Maamullada oo dhan waxay dhismeen ayadoo la isku khilaafsan yahay, marka laga reebo Puntland oo la dhisay 20 sano ka hor.

Guleed Saalax wuxuu sheegayaa in horumarinta hannaaanka federaalka uu yahay qodob ka mid ah kuwa u baahan in si wanaagsan looga doodo, heshiisna laga gaaro.

Dowladda dhexe ayaa horey loogu eedeeyay faragelin ku hayso maamullada, “ayna sabab u ahayd xil ka qaadista madaxda qaar,” sida ay ku doodeen hoggaamiyayaasha maamullada.

Madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay ku shiray magaalada Kismaayo waxayna dhisteen gole ay ku mideysan yihiin.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka did markii golaha la dhisay, ayaa si taxadar leh loogaga hadlay shirkii Kismaayo.

“Degdegga golaha Kismaayo lagu dhisay iyo waxa ay qabanayaan ee la sheegay, waxaa ka asalsan kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo maamullada. Marka waa muhiim in la gaaro xalka madmadowga markastaa soo kala dhexgalo” ayuu yiri Guleed Salax.

Qeybsiga qayraadka dalka

Madaxda maamullada qaar ayaa dhaliilay sida dowladda federalka ee Soomaaliya wax uga siiso mashaariicda horumarinta iyo dhaqaalaha.

Sida uu sheegay Guleed, Arrintan waxay ka mid tahay qodobada u baahan in heshiis dhab ah lagaga gaaro shirka Muqdisho ka socda oo weli uusan ka soo bixin go’aan dhab ah oo lagu heshiiyay.

“Maamul goboleedyada waxay marwalba ka cabanayeen in dowladda dhexe ay isku koobto deeqaha caalamka laga helo,” ayuu yiri madaxa machadka cilmi baaridda siyaasadda ee SIDRA, Guleed Salax.

Soomaaliya waxay weli ku tiirsan tahay deeqda caalamiga ah, balse maamul goboleedyada ayaa doonaya in ay garab ka helaan dowladda dhexe oo dhankeeda weli raadineysa mushaarka ciidamadeeda.

26-dii May ee sanadkan 2017-ka, maamul goboleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeyay heshiis xagga badda ah oo shirkado kalluumeysi lagu siiyay shatiyo.

Guleed ayaa sheegay in lafagur badan lagu sameeyo qodobada ka hor intaan shirka la isugu imaan, si aysan waqti badan u qaaban heshiisyada laga gaarayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa la dhisay siddeed bilood ka hor, waxayna wajeheysaa caqabo dhanka “amniga iyo siyaasadda ah”.

Sida wararka ay sheegayaan, maanta ayaa la filayaa in go’aan ugu dambeeya uu ka soo baxo kullanka Muqdisho uga socdo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda federaalka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)