200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Akhriso: Miisaaniyadda 2018, canshuuraha iyo deeqaha laga filayo Turkiga, Sacuudiga iyo Qatar | Shabakada Warbaahinta Times

Akhriso: Miisaaniyadda 2018, canshuuraha iyo deeqaha laga filayo Turkiga, Sacuudiga iyo Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaalka ah Xil. Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta golaha shacabka hor-geeyay miisaaniyadda 2018-ka.

Miisaaniyadda  2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan balse middan cusub waxaa lagu sameeyay isbadal yar.

Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay:

Miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si ay u meel-mariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa si hoos ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida lagu qeexay jadwal-kan.

Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:

(B) Kharash-ka joogtada ah:         US$ 260,171,727

(T) Kharashka Raasumaalka:        US$ 14,458,464

Wadarta Guud:                              US$ 274,630,191

Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa:

  1. Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida
  2. Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka)
  3. Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah
  4. Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada
  5. Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore
  6. Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada
  7. Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday

Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda

0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo.

201-800: waxaa laga rabaa: 6%

801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12%

1501 iyo wixii ka sareeyay: 18%

Canshuuraha kale:

Qaadka: 2.5 per kg

Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24.

Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25

Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30

Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan.

Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha:  dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose

Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5%

Deeqaha ay Dowladda fileyso:

Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000

Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,

Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan  ayaa laga filayaa sanadka soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Fikradaha Akhristayaasha (0)