200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Arrin cusub: Roobow oo shaaciyay inuusan isku dhiibin DF iyo hal arrin oo uu dalbaday | Shabakada Warbaahinta Times

Arrin cusub: Roobow oo shaaciyay inuusan isku dhiibin DF iyo hal arrin oo uu dalbaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Madaxtooyada maamulka uu saacado ka hor kulan khaas ah ku dhexmaray Horjooge ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Mukhtaar Roobow iyo Suxufiyiinta Baydhabo.

Kulanka Roobow iyo Suxufiyiinta ayaa salka ku hayay hakinta qaabka ay Suxufiyiintu u tabiyaan wararka Roobow iyo in meesha laga saaro ‘’Roobow oo isku soo dhiibay dowlada’’.

Inta lagu guda jiray isbarashada Mukhtaar Roobow ayaa Suxufiyiinta ka dalbaday inay damiyaan dhammaan qalabka codadka duuba iyo Kaamiradaha, waxa uuna intaa kadib ka dalbaday inaysan Oran ‘’Mukhtaar Roobow oo isku soo dhiibay dowlada’’

Roobow waxa uu Suxufiyiinta ka dalbaday in xiliyada ay tabinayaan wararka isaga khuseeya ay adeegsadaan ‘’Roobow oo ku yimid wada hadal uu la galay dowlada’’

Waxa uu sheegay inuusan isku dhiibin dowlada, balse uu la galay wadahadal sidaana uu ku helay magangalyo, wuxuuna qiray in Saxaafada ay si khaldan u tabiso wararka isaga khuseeya.

Nuqul kamid ah haddalka Roobow ayaa ahaa ‘’Suxufiyiintu waxa ay wararkooda ku tabiyaan Roobow oo isku soo dhiibay dowlada, anigu isma soo dhiibin ee waxaan dowlada la galay wadahadal’’

‘’Is dhiibid waxaa la dhihi karaa sida Horjoogayaasha ku jira gacanta dowlada ee is dhiibay’’

Roobow wuxuu ka dalbaday Suxufiyiinta in qalabka warbaahinta aysan u adeegsan ‘’Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay” balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wada hadal.

Sidoo kale, Suxufiyiinta ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay sidaas ula socdaan oo aysan isku khaldin sifaha u dhexeeya labada eray.

Si kastaba ha ahaatee, Ajandaha Roobow ee la kulanka Suxufiyiinta ayaa ahaa keliya qodobkaasi oo uu sheegay inuu u leeyahay ahmiyad gaara.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Arrin cusub: Roobow oo shaaciyay inuusan isku dhiibin DF iyo hal arrin oo uu dalbaday appeared first on Caasimada Online.

Fikradaha Akhristayaasha (0)