200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Sacuudiga oo isku deyaya in la baabi’iyo xadka ka noqoshada diinta Islaamka! | Shabakada Warbaahinta Times

Sacuudiga oo isku deyaya in la baabi’iyo xadka ka noqoshada diinta Islaamka!

Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada oo hoostagta wasaaradda gaashaandhigga ee Sucuudiga ayaa ku baaqday in la qabanayo dood cilmiyeed isugu jirta dhinacyada Fiq-higa iyo Fahamka, taas oo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa xadka Islaamku u  jideeyey qofkii ka baxa ama ka noqda Diinta Islaamka, kaas oo ah dil kaddib marka qofka ka noqday Diinta Islaamku si ku talagal ah u diido in uu ku soo noqdo Diinta Islaamka.

Baaqa Xaruntan la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ayaa muran iyo falcelin weyn ka dhex aloosay muwaadiniinta Sucuudiga, iyada oo ay jiraan dad si adag u dhalleeceeyey iyoo kuwo taageersan soo bandhigidda aragtidan.

Boggeeda  rasmiga ah Twitter-ka ayay xarunta ku shaacisay dhowr qoraal oo taxane ah in uusan jirin ama uusan sugnayn in Nabi Maxamed uu dilay qof ka laabtay Islaamka (Murtad), sidaas oo kalana aan la heleyn wax ay isku raaceen aqoon yahanka Islaamka oo ku saabsan arrintan oo ah mid la xiriirta dhanka Sharciga.

Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga ayaa sheegtay in fahamka guud ee caanka ah ee laga qaatay xaddiiska(“من بدل دينه فاقتلوه“), uu yahay mid ay ku talaxtageen ballaarintiisa iyo macno- u raadintiisaba dad qaba aragtida xagjirka ah oo sida lagu sheegay qoraalka xarunta gaaleysiiya qof walba oo ka hor yimaada aragtidooda.

BBC Arabic; ayaa daabacday warkan iyada oo soo xiganeysa Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga.

Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga ayaa isku deyeysa in ay fahamka Xadiiskan u sameyso macno kale oo ah in loola jeedo ereyga qofkii Beddela:- “Qofkii sida Rabbi wax u jideeyey leexiya oo si kale u sameeya ama isku daya n uu sharciyeeyo wax ka dhan ah sida Alle u sharciyeeyey

Inkasta oo ay jiraan madax ka tirsan boqortooyada Sucuudiga oo aad uga walaacsan arrintan cusub haddana waxa jira Isbeddel weyn oo ku socda habka Boqortooyadu u dhaqanto, iyada oo hoggaanka Sucuudigu isku deyayo in uu ka  guuro maalgelinta aragtda Wahaabiga oo ay ku sheegeen in ay tahay mid aad u qallafsan.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com

The post Sacuudiga oo isku deyaya in la baabi’iyo xadka ka noqoshada diinta Islaamka! appeared first on Caasimada Online.

Fikradaha Akhristayaasha (0)