200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Madexweyne Farmaajo oo Doobbo Dillaacsaday | Shabakada Warbaahinta Times

Madexweyne Farmaajo oo Doobbo Dillaacsaday

Marki uu billaabay inuu fakaaroyaal dadka kala hadlo, Farmaajo wuxuu jeedin jiray hadallo loo riyaaqo. Jeceylka loo qabay hadalladiisa inta badan waxaa hagi jiray, hanki isaga loo qabay. Muddadi koobnayd ee uu raysulwasaaraha ahaa intii uu qabtay iyo qaabki foosha xumaa ee shqada looga qaaday ayaa u kasbay taageerayaal badan.

Inta badan ummadda soomaaliyeed ayaa u arkayay inuu yahay ninka kaliya ee samata bixin karo dalka. Taasi waxay keentay in qudbo walba oo uu jeediyo aad loola dhaco iyadoo laga eegayo nuxurka hadalka xambaarsan yahay iyo qalbiga uu kasoo baxayo, balse aan la eegin qaabka uu yiri iyo sida uu isugu toosan yahay.

Marki uu Eebe ku guuleeyay jagada dalka ugu sarrayso, dadku waxay dhowrayeen hadallo qurux badan oo dadka u kasbo kana tiro walaaca ay qabaan. Taas badalkeedi, waxaa dhacaysay in qudbooyinkiisa badankoodu hub u noqdeen mucaaradkiisa shacabku diidan yihiin.

Dad badan ayaa is waydiiyay, maxa ka qaldan. Laakiin waxaa loo batay in Farmaajo uusan hadal aqoon ahayn, tayada hoggaamin iyo haybada qalbi-dafka leh ee ilaahay siiyayna aan loogu darin cod-karnimo.

Laakiin qudbadii uu 9/1/2018 ka jeediyay jaamacadda Bariga Afrika ee Garawe, wuxuu soo bandhigay hadallo cajiib ah, nidaamsan, macno weyn leh ujeeddana abbaaray. Waxay ahayd qudbo ka duwan kuwii looga bartay, inkastoo hadalladiisu ay ahaayeen kuwii hore wax cusubna uusan sheegin.

Qudbadaan ayuu madaxweynuhu kaga hadlay waxa uu rabo inuu qabto inta uu xilka hayo iyo sida lagu gaari karo dowlad awood leh. Wuxuu isagoo cidna magacaabin u dhammeeyay madaxda muumul goboleedyada oo Cabdiwali Cali Gaas oo markaas garab taagnaa guddoomiye u yahay.

Tusaale, marki uu tilmaamayay sida loola macaamilayo dowladaha kale waxaa uu yiri “haddaan isku duubannahay oo aan midaysannahay si wanaagsan oo siman ayaa ula macaamili karnaa dowladaha kale. Laakiin, haddii gadaal lagaaga soo jiiroonayo oo dadkaadi la qaybinayo oo laga shaqaysanayo, ninki madaxda ahaa ama shacabki aysan la socon dowladdooda, wixii la rabaa laguu sheegi”.

Hadaalkaan ayaa ah mid mug weyn si toos ahna u caddeeyay dhibka ay madaxda maamullada ee dalalka kale la macaamiliyo ku hayaan karaamada dowladnimo. Hadalkaan ayaa sidoo kale farriin u diray dowladaha faraha kula jiro arrimaha soomaalida, waxaa uuna madaxweynuhu u sheegay inay ogyihiin kana yeelayn inay hoos isu dhigaan.

Qudbada madaxweynaha ayaa isugu jirtay, waano, wacdi, dhiiri galin, iyo caddayn waxa uu rabo iyo waxa uusan yeelayn. Waxaa uu sheegay inuusan marnaba is dhiibayn hoosna isu dhigayn. Waxaa uu yiri isagoo na tusayo inuusan marnaba ka leexanayn waxa uu aaminsan yahay, marki aad ka yaabto sida wax u socdaan iyo dhibka laguu abuurayo “waxaa lagu dhihi dadkaan dowladnimo ma rabaabe dantaada ilaasho, taasna marnaba yeeli mahayo”. Hadalkaan ayaan hubaa in lagu yiri waayo anaaba la igu dhahaa muu dantiisa ilaashado dadkaan daacadnimo ma rabaane.

Sababta keentay isbadalkaan ayaa la iswaydiinayaa siyaabo badan ayaana loo turjumay. Anuguse waxay ila tahay waxaa sabab u ah inuu loxos baxay lana qabsaday xafiiska. Haddii aad xasuusataan, wuxuu qudbayn jiray isagoo wadan wax waraaq ah. Balse shalay iyo maanta oo uu Qardho joogayba (maalmo kale waa jireen oo uu waraaq haystay sida maalintii uu tababarka u xiray ciimada ku jiro xerada Turkiga) warqad ayay wax ugu qornaayeen. Waxay u muuqataa inuu shaqaaleeyay dad xirfad u leh qoridda qudbooyinka taasoo ah tallaabo wanaagsan hadduu sameeyay.

Waxaa kaloo dhici karto inay keentay, madasha uu ka hadlayay iyo cidda uu la hadlayay oo ahayd jaamacad uu kula hadlay arday. Farmaajo ayaa ahaan jiray macalin Kulleejo sidaa darteed waxaa dhici karto inuu dhiirranaan ka helay hor istaagga arday la mid ah kuwii uu wax u dhigi jiray.

Warki oo jumlo ah, shalay maalin weyn ayay u ahayd madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, waxayna shimbir roob ku da’ay u ahayd kooxaha mucaaradka ku ah ee sugayay inay fursad ka helaan hadalkiisa sidii dhici jirtayba.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

 

The post Madexweyne Farmaajo oo Doobbo Dillaacsaday appeared first on Caasimada Online.

Fikradaha Akhristayaasha (0)